Amarkii Agaasime Fahad Yaasiin ee ahaa in laga guuro dhismayaasha Madaxtooyada oo maanta ku eg

0
3

Amarkii Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka soo saaray in muddo 14 maalmood looga guuro dhismayaasha Madaxtooyada ayaa ku eg maanta oo Talaado ah, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in aan wali dhaqan gelin amarkaas.

Amarkan ayaa saameynaya dhamaan dadka degan dhismayaasha Madaxtooyada oo isugu jira Wasaarado, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, kuwaasoo degenaa Madaxtooyada 7-dii sano ee u dambeysay.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in xubnaha lagu amray inay Madaxtooyada ka guuraan ay muran ka keeneen, su’aalna geliyeen waxa xilligan ku soo beegay amarka, waxaana qaarkood ay dalbadeen in muddo dheeraad ah la siiyo.

Sidoo kale Xildhibaano qaar ee degan Madaxtooyada ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay dacwad u gudbiyeen, iyagoo ku dooday in tan iyo dowladdii KMG ay degenaayeen, isla markaana aanay jirin cid ku amartay inay guuraan, waxaana qaarkood ay sheegeen in aanay heysan meel ay degaan.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin ayaa 6-dii bishan Agosto soo saaray amar uu ku farayo dhamaan dadka degan Madaxtooyad in muddo 14 maalmood gudahood looga guuro dhismayaasha, si loo dhiso, loona bilaabo shaqada dhismayaasha qaar ee Madaxtooyada oo aan muddo wax dayactir helin, qaarkoodna ku yaalla banaanka Xafiiska Madaxweynaha.

Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono Agaasimaha, iyadoo horay loo ogaa amaro uu saaray Agaasimaha inay dhaqan galeen oo ahaa xubno shaqo joojin uu ku sameeyay iyo kuwo uu banaanka Madaxtooyada ka dhigay warqad amar oo ah in aysan soo geli karin, waxaana Agaasimaha tan iyo markii xilka loo magacaabay la soo baxay hab dhaqano ka duwan agaasimayaashii horay u soo maray Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here