C/wali Gaas oo kulan la qaatay Amiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sacuud (Daawo Sawirro)

0
3

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo guddashada wajibaadka Xajka u jooga dalka Sucuudiga ayaa magaalada Jiddah kulan kula yeeshay Amiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiir Suldaan Binu Nassar ayaa waxay kaga wadda hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha Puntland, iskaashiga ganacsi ee labada dhinac iyo sidii dalka sucuudigu maalgashi caalami ah uga samayn lahaayeen Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn uga mahad naqay soo dhoweynta Amiirka iyo guud ahaan masuuliyinta kala duwan ee uu kulamada kala duwan laqaatay sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen una qaabileen isaga iyo wefdigiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa ka wadda hadlay siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in maanta Soomaaliya mustaqbal wanaagsan leedahay, isla markaana ay kasoo kabatay dhibaatooyinkii badan oo soo bilowday muddo dheer oo haatan laga joogo in ka baddan labaatan sano, dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dhammaan dawladdaha xubnaha ka ahna ay diyaar u yihiin sidii loo midayn lahaa ummaadda Soomaaliyeed, looguna horseedi lahaa nabad iyo horumar.

Amiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweynaha iyo weftigiisa dalkaasi Sucuudiga, waxaana uu xaqiijiyey in Sacuudigu danaynayo maalgashiga degaanada Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gudajira gudashada waajibaadka Xajka, isaga oo kamidda malaayiin Muslimiina oo sanadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here