Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo xalay ka dhacay degmada Kaxda.

0
29

Kadib dil loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka Dowladda oo ku sugnaa degmada Kaxda ayaa waxaa degmadaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo dagaalamayaal la sheegay in ay Al-shabaab ahaayeen.

Weerarkan ayaa waxaa la tilmaamay inay qaadeen  Ciidamo uu horkacayay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Kaxda , Waxaana la sheegay in ay ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal Al-shabaab ah.

Dadka deegaanka ayaa DulmiDiid News u sheegay in dagaalka uu socday muddo kooban islamarkaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka balse aysan heyn tirada inta ay dhan tahay.

Maamulka degmada Kaxda ayaanan wali ka hadlin dagaalka xalay degmadaasi ku dhexmaray ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here