Faahfaahinta dagaal culus Oo Shalay ilaa Xalay Ka dhacayay inta udhexeysa Deganada Buq Kosarar ilaa Ceel-Cade ee Gobolka hiraan

Wararka ka imaanaya Magaalada Buq-kosaar  ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad ka Shabaab iyo ciidan degaanka ah

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab ay Dadka degaanka ka aruurinayeen (Zaka-waat) Durbadiiba waxaa s weerar ku qaadeen ciidan Degaanka udhashay

Dagaalka oo dhacay Shalay ilaa xalay ayaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Shabaabka laga dilay laba askari, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidanka Deganadasi

Sarkaalkaan lahadlay Shabkadda Wararka Dulmi Diid  ayaa xaqiijiyay in ciidanka  dowladda ay qayb ka ahaayeen dagaalka, wuxuuna sheegay inay ka hortageen qorshe Shabaabka ay ku doonayeen inay Dadaka Degaanadaasi kaga qaadi lahayeen (Zaka-Waat).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: