Madaxweynaha Hirshabele oo Mooshin ka dhan Ah Laga Keenay

0
3

Mudanayaasha baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeele  oo  kulan  ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa soo gudbiyay mooshin  kalsoonida lagala noqonayo Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.

Xildhibaanada ayaa kulan ku yeeshay hool ku yaala magaalada Jowhar , waxaana shir gudoominayay Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeele  Mudane Cabdi Xusen Geedi .

Intii uu kulanka socday ayaa in ka badan 64 Xildhibaan waxa ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Mudanayaasha mooshinkan soo gubiyay ayaa ku eedeynaya madaxweynaha in uu ku fashilmay hogaaminta maamulka, waxaa ayna sheegeen in waajibaadka maamulka uu kaga mashquulay sidda ay hadalka u dhigeen arrimo kale oo maamulka waxba ka quseyn.

Warqad qoraal ah oo Khamistii  ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Hirshabeele  oo sheegeysa Magaacabis Dagmooyin cusub ayaa keentay in Mooshin kadhan ah madax’weynaha in lasoo gudbiyo

Ugu danbeyntii, arintan ayaa u muuqata mid salka ku heysa khilaafka ba’an ee soo kala dhax-galay Madx’weyne kuxigeena Hirshabeele iyo Madax’weynaha Hirshabeele  Cali guudlaawey oo kasoo horjeestay Magacaabista Dagmooyinkii dambe khilaafkana u salka kuhayo arintaas.

lama oga halka uu kudambeyni doono Mooshinka kadhanka ah madax’weynha hirshabeele Cali c/laahi cosoble laga keenay

Waxaase isweydiin mdane Hiraan waxaa ay ahaayd 5 Dagmo

Waxaa hada lagusoo kordhiiyay dagmooyin dhowr ah oo garaay 7 Dagmo

Magaala madax’da gobolaka hiraan Afarteeda Xaafad ayuu cosoble rabaa in uu Afar Dagmo ka,kala dhigo

Suuragal Matahay Aqriste siyaasada Ceynkaa oo kala ah??????

Fadlan Fakarkada Ama Commonti-gada Noreeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here