Madaxweyne Farmaajo oo Shalay galab u damaashaad tagay Xeebta Liido (Daawo Vidio&Sawirro)

0
3

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shalay galab lagu arkay Xeebta Liido, halkaasoo kormeer lama filaan ah ku tagay, iyadoo markii u horeysay ay heyd oo uu Madaxweynaha tago goobaha dadka isugu yimaadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaxweeyay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala Xeebta Liido, halkaasoo uu kula sheekeystay dadkii fadhiyay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku lugeeyay xeebta, waxaa uu la sheekeystay dhalinyaro xeebta ku damaashaadayay, kuwa kubad ku ciyaarayay, waxaana dadka qaar ay su’aalo weydiiyaan.

Madaxweynaha ayaa la kaftamayay dhalinyaro kubad ciyaareysay, waxaa in kooban kubadda ku baleejeeyay lugaha, isagoo ka yaabsaday dhalinyaradii kubadda ciyaareysay.

Farmaajo ayaa horay u soo noqday Garsoore kubadda cagta ah, waxaana uu dhalinyarada tusay inuu kubadda si wanaagsan u yaqaano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here