Wasiirka Amniga Ducaale oo gaaray deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose

0
3

Guddiga ay u xilsaartay dhacdadii Bariire oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabelaha Hoose.

Guddigaan ayaa baaraya dhacdadii Jimcihii ka dhacday deegaanka Bariire iyagoo la kulmaya shacabka iyo duqeyda deegaanka Bariire si ay u ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee dhalisay dilka toban ruux oo rayid ahaa.

“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay muddo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray saddex maalin oo maanta ay ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here