Xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolka Gedo oo maalinti labaad xiran.

0
33

Maalinti labaad waxaan Guud ahaan  jirin saakay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ee Magaalada Belad-xaawo , sidoo kale waxbarashadii ayaa hakad ku jirta waxaana wararka ay sheegayaan in aan qaadkii ka imaan jiray Kenya uusan soo gelin gobalka Gedo ee Soomaaliya.

Waxaa dhamaan xaaladahani ay yimaadeen kadib muran dhina Xadduuda oo wali ka taagan gobalkaasi Gedo, Dowladda Kenya ayaana lagu eedeeyay in ay wado dhul balaarsi.

Masuul ka tirsan mamulka degmada baladxaawo ee gobolka Gedo oo wareysi siiyay idaacada kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay wado xadgudu joogto ah oo ay ku heyso dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa shalay gacanta ku dhigay nin Kenya u dhashay oo qaadka ka keeni jiray Mandhera waana ay sii daayeen.

Ganacsatada ayaa lasoo warinayaa in ay dhibaato kala kulmeen xirnaanshiyaha xuduuda ee labada maalin , waxaana ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay si isdaba joog ah uga dalbadaan in wax laga qabto dhibaatooyinka soo batay ee Kenya ay ka geysaneyso xuduuda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here