Xukuumada Somalia oo ka hadashay Xaalada Dadka Dhaawaca ah ee la geeyay Suudan.

Yuusuf Garad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo bartiisa Facebook-ga ku soo Qoray Qoraal kooban uu kaga hadlayay Xaalada Dhaawacyadii loo qaaday Magaalada khartuum ee Dalka Suudan Ayaa waxaa uu Sheegay in Haatan xaaladooda ay tahay Mid Wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada ayaa waxaa Tilmaamay inay Jiraan Cabashooyin fara badan oo Soo gaaray Wasaarada Arimaha Dibada,kaasi oo ku aadan In Wax daryeelah aysan helin Dadka Dhaawac ahaanta loo geeyay Dalka Suudaan.

Balse Yuusuf garaad ayaa waxaa uu Xusay in la xaliyay intii badneynd cabashada dadkaasi ay qabeen Dowladda Soomaaliyana si dhaw ay ula socoto dhaq dhaqaaqa dadkaasi dhaawacyada kala duwan ee xiligan ku sugan Dalka Suudan,Islamarkaana Waxaa uu tilmaamay Inta yar ee hartayna waxaa uu sheegay in qorshuhu yahay in isla maanta la xalliyo.

Shalay ayay Aheyd Markii Cabasho balaaran laga muujiyay goobaha Caafimaad ee la geeyay Dadkii dhaawaca ahaan loogu qaaday Magaalada khartum ee dalka Suudaan.

14 Bishan ayaa isgooska Zoobe waxaa ka dhacay Qarax ay dad badan ku dhinteen,kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,iyadoona weli goobtii uu qarax ka dhacay laga soo saarayo Meydad hor leh malinba malinta ka dambeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: